Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.
Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah iyo sidii uu miro dhal u noqon lahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkaasi uga socda siyaasiyiinta koonfur galbeed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed, Musharixiinta mucaaradka iyo saraakiisja Ciidamada qeybahooda kala duwan.