Atmis oo ka hadashay askari ka tirsan ciidamaadooda oo diley ruux shacab ah

0
298

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ka xun yihiin dil askari katirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in falkan dilka ah uu yimid kadib markii sida ay sheegeen qof aan la aqoonsan uu ku tuuray shay laga shakiyay mid ka mid ah gawaarida ATMIS.

ATMIS waxay sheegtay in ay askartu rasaas kaga jawaabaan falkan, taasoo keentay geerida qofka shacabka oo ay ATMIS sheegtay inay ka shakiyeen.