Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in shir albaabada u xirnaa uu kasoo baxayo warar kala duwan.
Shirka oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaanka midowga murashaxiinta Madaxweynaha KGS.
Kulanka oo ahaa mid aad u adag ayey ka qeyb galayaashu diideen inay aqbalaan muddo kororsi hal sano ah uu sii joogo Lafta gareen.
Isxaaq Mursal oo ka mid ah Siyaasiyiinta shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka lagu kala kacay islamarkaana laga yaabo in shir kale la iskugu yimaado.
Waxa Madaxweyne Xasan Sheekh & Mucaaradka Lafta gareen ay isku maan dhaafeen in xiisada la dejiyo Lafta gareena loo ogolaado in halsano sii joogo,balse ay murashaxiinta diideen.