Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka si rasmi ah kagala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Munaasabad waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Ra’isulwasaare Ku Xigeenka JFS, xubno Ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka, Xubno Ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliye Ku xigeenka JFS, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hay’daha Saaxiibada la ah Ciidanka Boliiska Soonaaliyeed (EUCAP, ATMIS, UNSOM & UNDP). Taliyeyaashii Hore ee Ciidamada Qalabka Sida, Taliye Xigeenada Ciidanka Boliiska, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir.
Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasanadda xil wareejinta ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.
Sidoo kale, taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay ayaa dhankiisa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.