War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khilaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.
Waxaa lagu heshiiyay in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto bisha January ee sanadka 2024, waxaana sidaasi dhaqangal ku noqday halkii sano ee madaxweyne Lafta Gareen loogu kordhiyay.
Sida ku xusan war murtiyeedka, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa loo xilsaaray inay fuliso heshiiskan, waxaana ku xusan in bisha november ay bilaabanayso xulista xildhibaanada barlamaanka Koonfur Galbeed.
![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2023/02/heshis-1.jpg?resize=660%2C840&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2023/02/heshis-2.jpg?resize=660%2C836&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2023/02/heshis-3.jpg?resize=660%2C834&ssl=1)