Dagaal maanta ka dhacay magalada laascaanood

0
435

Kooxo hubaysan ayaa weeraray fadhiisimada ciidamada Somaliland ee Laascaanood iyo hoteelka golaha wasiiradu ka dagan yihiin magaalada, sida xukuumadu sheegtay.

Warsaxaafadeed saaka subixii lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxo hubaysani ay soo weerareen xeryaha ciidamada iyo hoyga golaha wasiirada ee Laascaanood.

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in weerarka ay soo qaadeen kooxo ay xukuumadu hore uga digtay oo ay kamid yihiin dad argagixiso ah, waxa kale oo lagu sheegay in 2 askari ay dhanka ciidanka kaga dhaawacmeen.

Wali garaadadu dhankooda kama hadal sida ay wax u dhaceen, shacabka ayaa saaka subixii hore si toosa baraha bulshada uga baahinayay rasaasta dagaalka oo si isdaba jooga u dhacaysay.