Golaha shacabka oo maanta ansixiyey sharciga hay’ada nabad sugida

0
433

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Ilaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcisan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka Baarlamaanka.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna loo soo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isuguna ansixiyay, weliba cod aqlabiyad leh.