Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka.
Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.
Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta Al-Shabaab, iyada oo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay Al-Shabaab ku tiirsan yihiin. Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).