Dagaal mar kale maanta ka dhacay magalada laaascaanood

0
250

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in markale saaka aroortii hore uu dagaal culus dib uga qarxay gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada SSC-Khaatuma.

Xaaladda ayaa hatan ah mid aad u kacsan, waxaana la soo wariyay in dagaalka socdo uu ka xoogan kii shalay, isla-markaana uu ku fiday xaafado hor leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, maadaama uu dagaalku is qabsaday dhowr jiho ah oo magaalada ah.