Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan taliye ku-xigeennadiisa ayaa kulan muhiim ah la qaatay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee ciidanka.
Kulankan oo looga hadlay xoojinta amniga ayaa sidoo kale waxa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho, ayada oo taliye Sulub uu warbixin guud oo amniga la xiriirta ka dhageystay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan.
Sidoo kale waxa diirada lagu saaray kulankan qorshaha lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, oo waayadii dambe ay kusoo badanayeen falalka amni darada ah.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaas kadib waxa uu faray saraakiisha kala duwan in ay kordhiyaan adkeynta amniga caasimadda iyo in ay xoojiyaan iska warqabka dhexdooda.