Kooxo hubeysan ayaa Xalay toogasho ku dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo loo yaqiinay Sandheere xili uu kasoo baxay Masaajid ku yaala Muqdisho uu ku tukaday Salaadii Maqrib.
Xildhibaan Sandheere ayaa ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna horay usoo noqday wasiir ku xigeenka amniga iyo wasiiru dowlaha amniga maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland oo uu sheegay iney dileen koox ka tirsan Al-shabaab.