Dagaalka ka socda magalada laascaanood oo galey maalintiisa afaraad

0
352

Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaabn hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii 4-aad.