Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan qorshaha labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.
Saacadahii lasoo dhaafay waxaa degmada Afmadoow la dajiyay ciidamo farabadan oo laga qaaday degmada Dhoobleey, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalada Al-shabaab looga xureynayo magaalooyinka Jilib iyo Bu’aalle ee maamulka Jubbaland, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo hoggaaminaya qorshaha howlgalada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Jubbaland ay u diyaar garoowday la wareegista dwegaanada ka maqan oo ay ka taliso kooxda Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee howlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Jubbaland ay ka wadaan deegaanada maamulkaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali kooxda Al-shabaab ay awood badan ku leeedahay deegaanada maamulka Jubbaland.