Alshabab oo weerar ku qaadey saldhigyo ciidamada dowlada ay ku lahaayeen deegaano hoos taga degmada afgooye iyo afmadow

0
120

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ku billaawday saaka aroortii hore ku ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolk Shabeellaha Hoose.

Weerar kadib waxaa xigay dagaal toos oo dhexmaray Ciidamada dowladda ee Saldhiga ku sugan iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Sabiid oo 8km u jira degmada Afgooye wallow aysan jirin warar Madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Dhinaca kale weerar ku billaawday qaraxyo ayaa isla saaka Al-Shabaab waxaa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay dagaal socday in ka badan laba saacadood oo halkaasi ka dhacay.