Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.
Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.