Culumada somaliland oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka socota magalada laascaanood

0
331

Culumada waaweyn ee Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo galay maalintii 8-aad.

Culimada ayaa waxay ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, ayada oo dhinacyadu ka wada-xaajoonaya wixii khilaaf iyo tabasho jira.

Sidoo kale waxay taageereen adkaynta iyo hirgalinta xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, iyaga oo xusay in dagaalka aan laga faa’iidin khasaare mooyaane.

Waxay sheegeen in dhiiga qofka muslimka ah oo la daadiyaa uu xaaraan yahay gaar ahaan bilahan aynu ku jirno oo ah bilihii xurmada lahaa, “Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinac in dhiiga muslinka oo la daadiyaa uu xaaraan yahay, iyada oo lagu jiro bilihii xurmada lahaa ee Rajab.”

Culimada ayaa waxa kale oo ay bahda warbaahinta iyo dadka baraha bulshada isticmaala ugu baaqeen in ay Alle ka cabsadaan oo ay iska hubsadaan wararka ay faafinayaan, ayna ka baaqsadaan hurinta collaada, sida lagu yiri baaqa culimada.