Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood, islamarkaana aysan cidna la safan.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa jiray warar ku saabsan in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo faro-geliyey dagaalka ka socda Laascaanood oo maanta galay maalintii sideedaad, iyo inuu la saftay dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya.
Warkan ayaa markii hore wuxuu ka yimid Xoghayaha Guud Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu oo sheegay inuu jiray door nabadeed oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka qaatay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo.
Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku sheegay in dhammaan arrimahaas ay yihiin been-abuur.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Jabuuti ay mar kasta sare u qaaddo nabadda gobolka, islamarkaana aysan marnaba faro-gelin arrimaha gudaha ee deriskeeda.