Mareykanka oo sheegey in uu duqeymo ku diley xubno ka tirsan alshabab

0
262

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inay12 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen duqayn ka dhacday Soomaaliya, iyagoo taageeraya dowladda federaalka.

Ma jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay, AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, iyadoo duqayntu ka dhacday meel qiyaastii 472 KM waqooyi bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu sanadkii hore ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar lagu dilay ku dhawaad 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.

AFRICOM ayaa sheegay weerar uu Mareykanku qaaday bishii Oktoobar in lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab halka weerar kale oo dhacay bishii November uu ku dilay 17 dagaalyahan.