Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Salmaan Daadir, oo lagu sheegay Khabiir dhanka qaraxyada Al-shabaab u qaabilsanaa, kaasoo oo lagu qabtay meel u dhow magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka amniga oo la hadlay warbaahinta dowladda, ninkaan ayaa la qabtay xilli uu waday walxaha qarxa.
Qabashadiisa ayaa kusoo aaday xilli ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Galmudug ay si wadajir ah u bilaabeen howlgallada lagu ugaarsanayo Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta, ciidamada ayaa burburiyay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Cimad oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.