Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoraynta oo dhinac ah iyo Alshabaab ayaa haatan ka socda deegaano katirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ogaadeen xog ku saabsan in deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ay dagaalamayaal Shabaab ah isku arursanayeen.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen kooxda Alshabaab oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga Shabeelle.
Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka helayno waxay sheegayaan inay ciidamada dowladdu khasaare culus gaarsiiyeen Alshabaab sida ay ku warramayso warbaahinta Dowladda oo soo xiganaysay saraakiil ciidanka.