Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshan magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn u codeeyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.
Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharcigan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen Senataradu.
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay kulanka Aqalka Sare ayaa Golaha uga mahadceliyay meel-marinta Sharcigaan.
Maxamed Cali Xagaa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Sharcigan uu muhiim u yahay dowladnimada iyo sidoo kale dhismaha hay’adda NISA.
Sharcigan ayaa waxaa dhowaan soo ansixiyay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen ilaa 144 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.