Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka dalka iyo sidoo kale dagaalka Al-Shabaab.
Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan xubnaha Golaha Wasiirada.
Ugu horreyn Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socdo iyo deegaanadii ugu dambeeyey ee laga qabsaday Al-Shabaab.
Golaha ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay ammaanka Muqdisho, waxayna cambaareeyeen weerarkii 21 bishan ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda.
Dhanka kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.