Qarama midoobey oo ka hadley qoondada haweenka iyo dagaalka laascaanood

0
255

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda Haweenka Soomaalida, nabadda iyo amniga.

Golaha Amaanka sheegay in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay, kuwaasi oo 80% ay yihiin dumar iyo carruur.

Golaha Amaanka ayaa ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay muhiim tahay in la baaro, sharcigana lala tiigsado kuwa ka dambeeya Tacadiyada Bani’aadanimo ee ka dhaca Soomaaliya sidoo kalena dhammana dhinacayada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadaminnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo in kuwa xadgudubyada gaysta lala xisaabtamo.

Waxay sheegeen in ka sokow ballanqaadka la sameeyey ee ahaa in haweenku helaan 30% ay weli hoosayso ka qaybgalka haweenka ee go’aannada siyaaseed.

Dhinaca kale’ Amaanka Qaramada Midoobay kulan gaar aah k yeeshayColaada Laascaanood ka Taagan Waxaana Golaha uu ugu baaqay Soomaliland in ciidamadeeda ay ka saarto gobolka sool wadahadalna ay la furto Odyaasha Dhaqanka gobolka Sool si nabada iyo xasilloonida loogu soo celiyo gobolkaas .

Golaha Amaanka Qaramada ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Cida mas’uuliyada madaafiicada lagu gaaracayo Magaalada laascaanood ee Dadka shacabka ah waxyeelada kala duwan ay ka soo gaareyso.