Dagaal u dhaxeeyey Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka ee loo yaqaan “Macawiisleyda” oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Xarar dheere ee Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa markii hore ka bilaawday halka loo yaqaano bacadka Faarax Aadan oo dhaca duleedka degmada Xarar dheere Ee Koonfurta Gobolka Mudug , waxaana uu ku sii fiday dagaalka degaano kale sida jiri jiri iyo diirane kuwaasi oo Ciidamadda la wareegeen.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in intii uu socday dagaalka ay maqlayeen Hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen Ciidanka Xoogga iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.
Kabtan Kadiido oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo hoggaaminayey hawgalka , ayaa sheegay in hawlgalkii ay qaadeen ay kula wareegeen degaano dhawr ah , hawlgalkana uu weli socdo illaa ay Al-Shabaab ka qabsadaan degaanada ay ka joogaan Maamulka Galmudug.