Madaxweynaha dowlada federaalka oo loogu baaqay inuu xadido awooda ha’yada nisa

0
259

Hay’adda u doodda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay xaddido awooddaha hay’adda nabad sugida ee NISA, oo dhawaan golaha barlamaanka u meel mariyeen sharci awood badan siinaya.

Laetitia Bader, oo ah agaasime ku xigeenka Afrika ee hay’adda Human Rights Watch, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqday inuu yareeyo ballaarinta awoodaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA.

Laetitia Bader waxay sheegtay in sharcigan uu siinayo Hay’adda Nabad Suggida NISA awoodaha caburinta, xariga iyo dabagalka.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharcigan loo isticmaalo karo caburinta mucaaradka siyaasadeed iyo warbaahinta.

Human Rights Watch waxay haatanba ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, waxaana ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.