Boliiska degmada deyniile oo sheegey iney gacan kusoo dhigey xubno ka tirsan alshabab

0
303

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka fuliyeen qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaasoo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen illaa saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku howlanayaan in falal ammaan darri ay ka geystaan gudaha degmada Dayniile.

Sidoo kale wuxuu Booliska shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay hubkii ay wateen raggaan iyo mooto Bajaaj ay isticmaalayeen, xilliga lasoo qabanayey.

Waxa kale oo uu Booliska Soomaaliya sheegay in uu sii wadi doono howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weeraada.