Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi.
Ciidamada milatariga Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xalay isaga baxeen inta badan goobihii ay difaacyada uga jireen, waxaana la wareegay ciidamada deegaanka.
Meelaha ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanka ee reer Laascaanood.
Sida ay muujiyaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ciidamadda deegaanka ayaa gurigaas ka furay calanka Somaliland, waxayna ka taageen calanka buluuga ah ee Somalia.