Golaha deegaanka degmada baraawe oo mooshinka gudbiyey gudoomiyaha degmada baraawe

0
689

Xiisaddan ayaa ka dhalatay, ka dib markii Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Degmada, Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo), kaas oo ay ku eedeeyeen wada shaqayn la’aan.

Wararka ayaa sheegaya in mooshinka ay saxiixeen saddex meelood, laba meel oo ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka, oo ka kooban toddobo iyo labaatan xubnood.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in mooshinkaasi loo gudbiyay, laguna wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan.

Wasiirka oo 20-kii bishan gaaray degmada Baraawe ayaa tan iyo xilligaasi ku sugan degmadaasi, isagoona xal u raadinaya xiisadda siyaasadeed ee degmadaasi ka soo korortay.