Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka taciyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la aqbali karin in maalin kasto ay dagaalamaan ciidamada dowladda, isla-markaana ay ku dhintaan shacabkii ay ilaalinayeen amnigooda.
Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka, laguna wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Ina la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.