Madaxweynaha dowlada federaalka oo ka hadley tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar

0
238

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay tabashooyinka ay beeluhu ka qabaan dowladda federaalka, taasi oo toddobaadyadii dambe si weyn isku soo tareysay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarka beeluhu qabsanayaan aysan xal u ahayn tabashada ay ka qabaan dowladda, balse ay fursad siinayaan kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo in loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wuxuuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in tabashooyinka beelaha ee kor loo sheegayo ay kooxda Al-Shabaab u sahlayso ujeedkooda ah in dowladda laga mashquuliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu qiray madaxweynaha in tabasho ka imaan karto dowladda, laakiin taas aan cudur daar looga dhigan karin in Shabaab fursad la siiyo oo dhexdeena la isku mashquulo, halkii xoogga la wada saari lahaa howl-galada dagaal ee ka socda dalka.