Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo maalmahii lasoo dhaafay sii xumaaneysay.
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in isku dhacyada ciidan ee baraha koontarolada magaalada Muqdisho ka dhaca ay sabab u yihiin masuuliyiinta dowladda oo aanan u hogaansamin awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan baraha koontaroolada.
Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Soomaaliya iney u hogaansamaan awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan baraha Koontaroolada, taasoo uu tilmaamay iney muhiim u tahay hubinta amaanka magaalada Muqdisho.
Raysal wasaare Xamse ayaa xusay in ciqaabta ugu adag ee sharciga la marin doono askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka, islamarkaana ay haatan xiran yihiin askartii ku lugta laheyd dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, lana horkeeni doono sharciga.