Wasaarada isgaarsiinta oo shirkadaha isgaarsiinta ku amartey iney joojiyaan xadgudubka dhexdooda

0
259

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxda Wasaaradda, kaas oo uu guddoomiyay wasiir Jaamac Xasan Khaliif.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee Wasaaradda, waxaana looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Wasaaradda ayaa amartay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taas oo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay hanaanka shaqo ee Suuqa.

Sidoo kale shirkadaha ayaa la faray in aysan ka gudbin meelaha loo cayimaym si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa sidoo kale dalbatay shirkadaha Isgaarsiinta inay u hoggaansamaan shuruucda uu taalla dalka, si loo ilaaliyo khadka Isgaarsiinrta.