Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa baneeyay Gabi-ahaanba Xuduudka Soomaaliya iyo degaanka Somaalida oo muddo dhowr sano ah ay ku sugnaayeen.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada liyuu Boolis oo ku dhawaad Sidee sano ku sugnaa Xuduudka dowlad degaanka Soomaalida uu la wadaago Goboka Bakool, waxaana Ciidamada dib loogu celiyay gudaha dhulka dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Milatariga Itoobiya oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadooda kala duwan ay la wareegeen Saldhigyadii ay ka baxeen Ciidamada liyuu Boolis ee ku yaalay Gobolka Bakool.
Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa weli faah faahin ka bixin sababaha keenay in Ciidamadooda laga saaro xaduudka Gobolka bakool, halkaas oo dhowr jeer ay dagaal kula galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.