Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay barnaamij lagu soo bandhigay xogta nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, kaas oo soo galay gacanta hey’adaha ammaanka.
Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) waa dilaa barnaamijkaan ku qirtay dhagaro badan oo dad badan uu naftooda ku dhaafiyey.
Dadkii uu u qorsheeyey inuu dilo waxaa ku jiray wasiirka diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow, xilli uu maxbuus ku ahaa xarunta hey’adda nabad sugidda Soomaaliya ee Habar-Khadiijo.
Dr. Fanax waxaa laga soo qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, intii ay socotay doorashadii muranka badan dhalisay, wuxuuna barnaamijkaan ku soo bandhigay dhamaan xeeladihii uu isticmaalay intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab.