Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada baardheere

0
179

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay guriga Martida degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay daganayeen masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Saraakiil ciidan.

Jugta qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda, waxaana meel dheer laga arkaayay uurada iyo qaaca cirka isku shareeray ee qaraxa ka dhashay.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya qaraxaan Ismiidaaminta ayaa sheegaya iney ku dhaawacmeen guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Garaad iyo Abaandulaha qeybta 43-aad Axmed Cabdullaahi Xirsi Labaale, kuwaas oo ku sugna dhismaha lagu weeraray qaraxa Ismiidaaminta ah.

Waxaa sidoo kale lasoo warinaya iney jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo dad kale oo shacab ah, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah inta uu la eg yahay.