Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho xalay ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha waddanka Eritrea, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas.
Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yeelan doona wadahadalo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka ee danaha labada dal.
Waa safarkii saddexaad oo uu madaxweyne Xasan Sheikh ku tagay dalka Eritrea, waxayna booqashadiisan kusoo aaday xilli qaar kamid ah ciidamadii Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea ay weli ku sugan yihiin dalkaas.