Xukun dil toogasho ah oo maanta lagu fuliyey niman ka tirsanaa alshabab

0
330

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo katirsanaa Alshabaab.

Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa.

1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).

3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Sida ay maxkamaddu sheegtay saddexdan nin waxay kala ahaayeen labo sarkaal oo hay’adaha amniga ee dowladda katisanaa, balse u xuubsiibtay Alshabaab iyo mid ku shaqeysanayay darajada sarkaal iyo dhaqtar been abuur ah.

Raggaan ayaa masuul ka ahaa qaraxyo waawayn oo dad badani ku dhinteen oo badi Muqdisho ka dhacay iyo dilal qorshaysan oo loo geystay rad rayid ah iyo masuuliyiin dowladeed.