Itoobiyaan badan oo ku biirey iney ka mid noqdaan ciidamada daacish

0
211

Buuraleyda fogfog ee Puntland, waxaa todobaadkan ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Daacish, dagaaladii ugu dambeeyay ayaa u dhaxeeyay dhinacyada isku haya gacan ku heynta iyo saameynta buuraleyda Cal-Miskaad tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

Khubarada amniga ayaa sheegay in ciidamada ISIS ee Soomaaliya jooga oo ka tiro yar Al-Shabaab ay weli halis weyn ku yihiin Soomaaliya.

Axmed Maxamuud Yuusuf oo ah guddoomiyaha degmada Balidhidhin ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in dagaalyahannada ISIS ay sannadihii u dambeeyay qoranayeen dagaalyahanno Itoobiyaan ah.

Daacish oo gobolka Bari farriisin ka sameysatay sanadadii 2015 iyo 2016, ayaa hadda tiradooda lagu qiyaasayaa in ka badan 300 oo dagaalame ay ku jiraan Itoobiyaan, sida ay sheegeen khubarada gobolka.

Tirada dagaalyahannada Itoobiya ee katirsan Daacish ayaa la rumeysan yahay inay aad u badan tahay. IS ayaa horay u soo bandhigtay muuqaal muujinaya Itoobiyaan badan oo katirsan kooxda.