Somaliya iyo mareykanka oo saxiixdey heshiis lagu tayeynayo ciidamada

0
137

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis lagu tayaynayo ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Kumaandooska Danab.

Wasiirka Difaaca ayaa xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo tababarada iyo Qalabeynta ciidamada xoogga ee Kumaandooska Danab, isla markaana lagu qalabeynayo, si ay uga jawaabaan qataraha ka imaanaya Al-Shabaab iyo in la dhiso awoodda ciidamada kumaandooska ee Danab.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.