Taliyaha ciidanka xooga dalka oo booqdey xerooyinka lagu tababaro ciidamada kenya

0
164

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen Odawa Yuusuf Raage ayaa booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Kenya.

Gen Odowaa ayaa booqday Dugsiga Ciidanka Dhulka ee Dalka Kenya. Lama oga waxa uu ku saabsan yahay safarka taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya uu ku jooga Kenya.

Booqashadiisa waxay kusoo aaday xilli Kenya ay qorsheynayso inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya ciidamada Soomaaliya wejiga 2aad ee howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Kenya ayaa qorsheynaysa inay wax ka bedesha qorshaheeda la dagaalanka Alshabab, waxayna doonaysaa inay Alshabaab kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.