Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in sababta ay u maqan yihiin ay tahay, wadatashi la’aan ay dawladda fedraalka ah ku samaysay dhamaan heshiisyada lagu saxiixo shirarka golha.
Tusaale wuxuu u soo qaatay shirkii ugu dambeeyay ee Puntland ay qaadacday qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay, madaxweyne Saciid Deni na uu diiday in uu qalinka ku duugo.
Fedaraaleynta dastuurka iyo xadeynta awoodaha dawladda iyo maamul goboleedyada ayaa ahaa labadii qodob ee ay walaaca ka muujiyeen.
Mid ka mid ah qodabada xasaasiga ah ee Puntland walaaco ka qabto ah kala xadeynta awoodaha. Wasiir caydiid intii uu noo waramayay wuxuu gooni uga dhawaajiyay qodobka ah, wadaagga qayraadka.
“Qeyraadka waa la wada leeyahay waa in laga wadatashado, oo badka dhulka, iyo tirada dadka ku nool goobta intaba lagu wada xisaabtamo,” ayuu yiri wasiir Caydiid.
Shuruucda Shidaalka ayuu sidoo kale sheegay in dawladdu aysan kala tashan maamul goboleedyada, iyada oo gashay heshiisyo caalami ah. Wuxuu kale oo dhaliilay hay’adaha Soomaaliya u qaablisan shidaalka, isaga oo ku tilmaamay inaysan awood u lahayn shaqada loo igmaday.