Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah.
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dhor jiho oo duleedka magaalada ah, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.
Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaana Somaliland ay ku eedeysay inay soo qaaday Puntland oo kaashaneyso koox argagixiso ah iyo kuwa nabad diid ah.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay dhinacyada soo weeraray.