Gudoomiyaha gobolka banaadir oo sheegey in degmada kaaraan ay tahay degmada ugu amniga xun ee gobolka

0
542

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa xalay shir uga qayb-galay degmada Kaaraan, kaas oo looga hadlayey ammaanka degmadaasi.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayada oo inta badan laga hadlay dhibaatada Kaaraan.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay madasha ayaa ka dhawaajiyay inay wajahayaan xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka amniga, wuxuuna farriin toos ah u diray Madaale oo kulanka fadhiyay, isaga oo ka codsaday inuu la dagaalo ciyaal weerada.

Dhankiisa duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kaaraan ay tahay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeya dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxaa uu sababta ay ku timid arrintaan ku sheegay wada shaqeynta la’aanta ka dhex jirta shacabka degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ay ku hayaan gudaha Muqdisho, isaga oo sheegay inay markasta soo daba kacaan odayaal iyo waalidiinta qaar, isaga oo taasi ka digay, wuxuuna sheegay in dadkaasi iyaguna ay la dagaalami doonaan