Degamada maxaas oo looga dhawaaqey wejiga labaad ee la dagaalanka alshabab

0
212

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka bilaawday dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo abaabulka bilaabida wajiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Horjoogayaal ka tirsan ka tirsan Ciidanka Macawiisleyda iyo maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kullan kula yeeshay tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Ciidanka Macawiisleyda ee ka dagaalamayay bilooyinkii la soo dhaafay gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah horjoogayaasha Ciidanka macawiisleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in heshiis la sheegay in ay gaareen Al-Shabaab iyo beeshooda balse haatan diyaar u yihiin hawlgalka wajiga labaad ee Al-Shabaab looga saarayo dalka isla markaana haatan ay doonayaan in Al-Shabaab ka saaraan Gobolka.

Geesta kale Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo kullanka ka hadlay ayaa xusay in ay wadaan qorshe lagu soo afjaro Al-Shabaabka ku sugan bariga Gobolka Hiiraan isla markaana u gudbi doonaan Gobolka Galgaduud.