Odayaasha dhaqanka ee ka tegey magalada muqdisho oo kulamo la qaatey isimada dhaqanka ssc

0
167

Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay dadaalo lagu xalinaayo dagaalka dhex-maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogaga la Magac baxay SSC.

Odayaasha oo uu horkacayo Maxamuud Cali Ugaas ayaa waxaa ay booqdeen qaar kamid ah Dhismayaasha ku burburay madaafiicda ay Ciidamada Somaliland ku garaaceen Magaalada Laas-Caanood oo ay kamid yihiin Goobaha waxbarashada iyo Isbitaalka weyn ee Magaalada Laas-Canood.

Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Muqdisho ayaa xalay kulamo la qaatey Isimada Dhaqanka SSC, iyaga oo kala hadlayay sidii loo joojin lahaa colaada magaalada Laas-Caanood oo dad badan ay ku dhinteen.

Odayaasha Dhaqanka ka tegay Magaalada Muqdisho ayaa qorshahoodu ahaa inay sidoo kale la kulmaan dhinaca kale ee Madaxda Somaliland ayna tagaan Magaalada Hargeysa, balse Wararka kale ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland ay diideen wada-hadalladaas.