Wasiirka gaashaandhiga oo ka jawaabey eedeyn uusoo jeediyey xildhibaan Sanbalooshe

0
250

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeymo uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe u jeediyay qaabka ay dowladda u dejisay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Soomaaliya Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, islamarkaana aysan ka qeyb-galin dadka deegaanka oo iyagu door muhiim ah ka qaatay wajigii koowaad ee dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhiga oo VOA ay arrintaas wax ka weydiisay ayaa waxa uu sheegay in dowladda aysan ka leexan nidaamkii ay markii hore ku billowday dagaalka ee ka tala-gelinta dadka deegaanka iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu xusay in qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ay doorkooda ka qeyb-gelineyso dadka deegaanka, hase yeeshe ay qorshaha dagaal uu qorsheeyo dowladda oo ay iyadu dejineyso, iyada oo marnaba iska fogeyn shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay.