Isimada dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay aqbaleen xabad joojin ay ka codsadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho.
Suldaan Mustafe Awseed oo ku hadlay afka garaadada ayaa sheegay in ay dhinacooda aqbaleen xabad joojin ay ka codsadeen odayaal dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho oo isku xilqaamay xal u helista colaada Laascaanood.
Waxa uu sheegay in uu ku rajo wayn yahay in dhexdhexaadinta ay odayaashu isku xilqaameen ay guulaysato, isla markaana ay magaalada Laascaanood noqoto goob nabdoon oo dadkii ka baro kacay ay dib ugu soo noqdaan.
Madax dhaqameedka oo Muqdisho uga yimid in ay gacan dhexdhexaadineed ka gaystaan colaada Laascaanood, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe kadib 2 cisho oo ay ku sugnaayeen Laascaanood.