Maleeshiyaad ka tirsanaa alshabab oo lagu laayey duleedka magalada beydhaba

0
449

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay toogtay 14 kamida Alshabaab, kuwaas oo isku dayay inay soo weeraraan fariisimaha ciidanka Dowladda ee gobolka Baay.

Toogashadan ayaa ka dhacday deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maydadka Shabaabkii weerarka soo qaaday, iyadoo lagu faafiyay barta telegramka ee warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.

Waxay dowladdu sheegtay inay ciidamadu ku guulaysteen inay laayaan dhammaan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeerarka kusoo qaaday xerada ciidanka ee Makuude.