Wararar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn iyo guddoomiye ku xigeenka Maaliyada ee dagmadaas oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta ka dhaqaaqay.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in mar qura ay rasaas ooda uga qaadeen labada mas’uul, xilli ay dhex socdeen bartamaha degmada Walnaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale waxaa intaasi kadib dagaal kooban uu dhex-maray ragga weerarka geystay iyo sidoo kale ilaalada la socotay guddoomiyaha Wanlaweyn iyo ku xigeenkiisa maaliyadda.
Inta la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.
Marxuumka geeriyooday oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Ibraahim (Abow), wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ah deegaanka.