Madaxweynaha oo xaqiijiyey inuu taageero milateri ka dalbadey dowladaha deriska ah

0
260

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageero millatari ka dalbatay dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Si loo qaado tillaabada xigta ee ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in saddex waddan oo laftooda la kulmay weerarrada Al-Shabaab, ay ka helidoonaan ciidamo iyo karti dheeraad ah marka loo eego wejigii hore ee howlgalka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo ciidamada dowladda ay sii xoogeysanayeen tan iyo bishii Agoosto, kaddib markii ay billaabeen ololihii ugu muhiimsanaa ee ay Soomaalidu hormuudka ka ahayd ee ka dhanka ahaa kooxda al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa qabaa’ilada ee deegaanka, ayaa 15 sano kadib ku guulaystay inay Alshabaab ka xoreeyaan degaano ay maamulayeen.